Wafdi uu hogaaminaayo ra’iisul wasaaraha, Cabdi Faarax Shirdoon Saacida ayaa lagu wadaa inay saaka oo Isniin uu socdaal ku tago magalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.
Wefdiga uu horkacaayo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa waxaa safarkiisa ku wehliya wasiirro iyo xubno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayagoo la filaayo inta ey ku sugan yihiin Magalada Baydhaba in ey kulamo la qaataan waxgaradka gobolka Bay isagoo kala hadli doona maamul u sameynta gobolkaas.
Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in ra’iisul wasaaruhu uu inta uu ku sugan yahay Baydhabo uu kulammo la yeelan doono saraakiisha cidiamada ee gobolka Bay, isagoo kala hadli doona sidii deegaannada ay Al-shabaab kaga sugan tahay gobollada Bay iyo Bakool looga saari lahaa.
Si kastaba arintu ha ahaatee waxaa jira in Maamulkii ka dhisnaa Gobolka ee waqtigiisa dhamaadey maadaama uu ahaa mid kumeel gaar ah waxaase wargaradka iyo odayaasha deegaanka looga fadhiyaa in ey gobolka u sameeyaan maamul cusub.
Daafeet.Com