War kol dhow aan ka helney magalada muqdisho ayaa sheegaya in diyaarad uu la socday madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud oo cilad ku timid darteed Garoonka Muqdisho dib loogu soo celiyay.
Diyaarada ayaa la sheegay in madaxweynaha ay saakay ka qaaday garoonka Adan Cade ee Muqdisho ayadoona kusii jeeday dalka Koonfurta Suudaan, waxaana la tilmaamay in diyaarada mudo 20-daqiiqo ah ay hawada ku maqneyd kadibna cilad ku timid awgeed garoonka Muqdisho dib loogu soo celiyay.
Bayloodkii diyaarada ayaa wafidga madaxweynaha ku wargeliyay in mid kamid ah matoorada diyaarada ay cilad ku yimid kadibna ay damiyeen, oo waqtiga lagu tagi lahaa South Suudaanna aysan u saamaxeyn, isagoona xusay in Bayloodkii diyaarada uu ka codsaday in ay diyaarada dib ugu soo celiyaan Muqdisho, sidaasina 10:00Am ay garoonka Adan Cade dib ugu soo laabteen.
Eng. Yariisow ayaa sidoo kale sheegay in saacadaha soo aadan madaxweynaha iyo wafdigiisa ay sii wadan doonaan safarkooda South Suudaan, waxa uu tilmaamay Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya in ay u mahad celinayaan Bayloodkii diyaarada waday oo uu xusay in uu muujiyay badbaado wanaagsan, sida uu hadalka u dhigay, isagoona sheegay in madaxweynaha iyo wafdigii uu la socday ayagoo bad qaba ay dib ugu soo laabteeb garoonka Muqdisho.
Daafeet.Com