Xildhibaanada Baarlamaanka oo maanta ansixiyey Hinsaha Maamul u sameynta Gobolada Dalka

0
41

xildhinaadaXildhibaannada baarlamaanka Somalia ayaa maanta ansixiyay hidise sharciyeedka dhismaha maamullada gobollada iyo degmooyinka dalka, kaddib markii qodobbada hidisahan wax laga bedelay.

Kulankii maanta oo ka mid ahaa kulammada aan caadiga ahayn ee uu ay yeelanayaan xildhibaannada baarlamaanka ayaa waxaa kasoo qaybgalay 142 mudane, iyadoo uu shirka guddoominayay ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Soomaaliya, Jeylaani Nuur Iikar.

Xildhibaannada baarlamaanka ayaa markii uu kulanku billowday fikarado iska weydaarsaday hindisahan oo salka u dhigaya nidaamka dhismaha maamullada gobollada iyo degmooyinka dalka, iyadoo intaas kaddibna la geliyay cod.

Codka oo ahaa mid gacan taag ah ayaa ku ogolaatay sharcigan 137 mudane iyadoo laba ka mid ah ay diideen, halka saddexda kalena ay ka aamuseen sida uu madasha uga dhawaaqay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Soomaaliya.

Ansixinta sharcigan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli uu muran xooggan ka taagan yahay maamulka Jubbaland oo bartamihii bishii May ee sanadkan looga dhawaaqay magaalada Kismaayo, kaasoo sababay dagaallo ka dhacay degmadaas.

 

 

Daafeet.Com