Gaadiid ey la socdeen ciidamada dowlada ayaa qarax bam gamcmeed ah lagula eegtahay Suuqa Bakaaraha ee Magalada Muqdisho qaraxani oo sababe dhaawac soo gaaray askartii gaariga sidatey.
Goobjeegayaal ku sugan Bakaaraha ayaa sheegay in qaraxu uu ka dhacay Bakaaraha gaar ahaan agagaarka suuqa dawada, waxayna sheegeen in ruux uu bam gacmeed ku tuuray gaari ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda.
Gaadiidka qaraxa lala eegtay ayaa la sheegay in ay saarnaayeen afar askari oo laba kamid ah ay dhaawacyo gaareen, waxaana qaraxa kadib halkaasi gaaray ciidamo ka tirsan kuwo booliska degmada Howlwadaag, kuwaasoo goobta ka bilaabay baaritaanno la xiriira qaraxa.
Ilaa imika ma cadda cidda ka danbeeysay qaraxaasi, mana jiraan masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir oo ka hadlay arintaasi.
Daafeet.Com