Reysulwasaraha oo Muqdisho dib ugu soo laabtey kadib kolkii uu booqasho gaaban ku tagey Magalada Baydhaba

0
53

abdi shirdomRaysul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa maanta kusoo laabtay magaalada Muqdisho kaddib markii socdaal shaqo uu ku tagay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Shirdoon ayaa safarkiisa waxaa ku wehliyey wasiirka gaashaandhigga Cabdixakiin Maxamuud Xaaji Fiqi iyo mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda iyo baarlamaanka

Raysul wasaaraha ayaa kulan kula yeeshay magaalada Baydhabo qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka, qeybaha bulshada ee gobolka Baay, saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, wuxuuna ka dhageystay warbixin ku aaddan xaaladaha nabadgelyada iyo nolosha dadweynaha gobolka Baay.

Raysul wasaaraha ayaa intii uu ku suganaa Baydhabo wuxuu sidoo kale booqday isbitaalka weyn ee magaalada isagoo booqday qaar ka tirsan bukaanka jiifa isbitaalka.

Daafeet.Com