Wasiirka Gaashaandhiga oo beeniyey hadalo sheegayey in dowlada ey wadahadal la gashey Sheekh Muqtaar Roobow

0
47

faqiWasiirka gaashaandhigga dowladda federaalka Soomaaliya Mudane C/xakiin Xaaji Max’uud Fiqi ayaa beeniyay in dowladda Soomaaliya ay wadahadallo kula jirto Sheekh Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur oo ka mid ah hogaamiyaasha sare ee Al-shabaab.

C/xakiin Xaaji Max’uud Fiqi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka warqabto khilaafka u dhexeeya hogaanka sare ee Al-shabaab, wuxuuna xusay in ilaa imika aysan jirin wadahadallo rasmi ah oo dhexmaray dowladda iyo Al-shabaab.

Masuulkan ayaa sheegay in ay soo dhaweyn doonaan cid walba oo ka tirsan Al-shabaab oo dooneeysa in ay isu soo dhiibto dowladda Soomaaliya.

Masuulkan ayaa sheegay in weli ay soconayaan dadaallada ay dowladda Soomaaliya ku dooneeyso in Al-shabaab ay uga saarto Soomaaliya, wuxuuna xusay in dhawaan ay bilaaban doonaan howlgallo ballaaran oo ka dhan ah Al-shabaab.

 

Daafeet.Com