Ciidamadii Itoobiya ee ku sugnaa magaalada Baydhabo iyo degmooyin kale oo ka tirsan gobolka Bay ayaa billaabay maanta inay isaga baxaan, iyadoo la arkayo inay ka baxayaan saldhigyadii ay ku lahaayeen.
Degmada Baydhab ee xarunta gobolka Bay oo fariisimo kaga lahaayeen laba goobood oo kala ah; warshaddii Xaseey iyo xerada xarunta taliska qaybta 60-aad ciidamada xooggan dalka.
Fariisimahan ayaa waxaa la wareegaya ciidamada AMISOM ee Baydhabo ku sugan, iyadoo la xusuusto in horay loogu wareejiyay fariisimo waaweyn oo ay kaga sugnaayeen degmada Baydhabo, sida garoonka diyaaradaha.
Sidoo kale, ciidamada Itoobiya ayaa bilaabay isla maanta inay ka baxaan degmooyinka Qansax-dheere iyo Berdaale oo ka tirsan gobolka Bay ayna ku sugnaayeen cutubyo ka tirsan ciidamada Itoobiya oo sannado ka hor soo galay gobolkaas.
Daafeet.Com