Gudomiyaha Barlamanka Prof Jawaari oo shacabka somaliyed ugu baaqey iney is Taakuleeyaan

0
55

jawariAfhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa shacabka Soomaaliyeed wuxuu ugu baaqay inay is caawiyaan inta lagu guda jiro Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Jawaari ayaa sheegay inuu ka codsanayo qof waliba oo Soomaali ah meesha uu joogo inuu u gar-gaaro kuwa liita ee ajarka laga helayo.

Isaga oo sii hadlaya Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ganacsatada Soomaaliyeed ee tujaarta ah wuxuu ugu baaqay dhankooda inay u dhimriyaan shacabka Soomaaliyeed ee aan awooda ulaheyn ku iibsashada qarashaadka badan.

Daafeet.Com