Somalia u fadhiyey dalka Koonfur Afrika, Sayid Xasan Shariif C/llaahi ayaa maanta ku geeriyooday xarunta dlaka Koonfur Afrika ee Pretoria, iyadoo aan la sheegin sababta keentay geeridiisa.
Warsaxafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in marxuumka uu labadii sano ee ugu dambeeyay uu ku soo biiray siyaasadda dalka, uuna noqday danjirihii ugu horreeyay ee Somalia u fariista dalka Koonfur Afrika.
Dajiraha geeriyooday oo horraantii sannadkan loo magacaabay xilkan ayaa wuxuu dadaal badan u galay sidii xukuumadda Koonfur Afrika ay wax uga qaban lahayd dhibaatooyinka isugu jira dhaca iyo dilalka ah ee lagu hayo Soomaalida dalkaas ku nool.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa warka ay soo saartay ku sheegtay in dajire Sayid Xasan uu ifka uga tagay caruur iyo xaas, iyadoo uu noqonayo danjirihii ugu horreeyay ee Soomaaliya oo ku geeriyooda Koonfur Afrika.
Daafeet.Com