Shirkii u dhexeeyey Somaliya iyo Somaliland ee ka socdey Turkiga oo lasoo Gabagabeeyey

0
47

Kulan-Soomaaliya-iyo-SomalilandWadahadalladii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Somaliland ee ka socday magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga ayaa xalay lasoo gabagabeeyay iyadoo laga soo saaray qodobbo dhowr oo labadii guddi ay isku afgarteen, inkastoo ay jiraan qodobbo la isku fahmi waayay oo dib loo dhigay ka hadalkooda.

Qodobbada la isku afgartay oo ahaa saddex qodob ayaa waxaa ka mid ahaa in la sameeyo guddi ka kooban labada dhinac ee Soomaaliya iyo Somaliland ay maamulaan hawada Soomaaliya, kuwaasoo saldhig ka dhigan doona magaalada Hargeysa.

Sidoo kale, guddiga labada dhinac waxay isku afgarteen in wadahadallada lasii wado lagana ilaaliyo wax walba oo caqabad ku keeni kara iyo in 120 maalmood gudahood ay isugu yimaadaan shir kale.

Qodobbada la isku mari waayay ayaa waxaa ka mid ah in shirarka labada dhinac ee dibadda lagu qabanayo in loo wareejiyo gudaha dalka sida in lagu qabto Muqdisho ama Hargeysa iyo qodob kale oo ku saabsanaa midnimada Soomaaliya.

Daafeet.Com