Sarkaal Maxamed Buule oo kamid ah saraakiisha ciidanka Dowladda ee Gobalada Jubbooyinka ayaa sheegay in ciidamada Dowladda ee Jubbooyinka la isku shaandheynayo.
Wuxuu sheegay in ciidanka qaarkood ay ku jiraan ciidamo lagu soo tababaray dalka Kenya,kuwaasi oo qaarkood loo bixiyay magaca ciidanka Jubbaland iyo ciidan kale oo Dowladda ka tirsan oo iyagana Jubbooyinka ku sugan dhamaan ciidamadaasi ayuu sheegay in isku shaandheynta lagu sameynayo.
Maxamed Buule mar uu ka hadlaye qorshaha ciidanka Dowladda ee Jubbooyinka,ayaa wuxuu sheegay in dhawaan ay dib ugu noqon doonaan magaalada Kismaayo oo ay ku wajahan yihiin,isaga oo si adag u dhaliilay Dowladda Kenya.
Ciidamada Kenya ee Kismaayo joogo ayuu sheegay inaysan laheyn wadanka,loogana baahan yahay inay isaga baxaan dalka gudihiisa.
Daafeet.Com