Golaha wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta shir ay ku yeesheen xaruntooda Muqdisho waxay ku meel-mariyeen sharciga ay ku dhaqmayso warbaahinta dalka.
Kulanka oo uu shi-guddoominayay ra’iisul wasaaraha Somalia, Cabdi Faarax Shirdoon ayaa sidoo kale warbixino looga dhegeystay wasiirka warfaafinta, boostada iyo isgaarsiint, Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi iyo wasiiradda adeegga bulshada, Maryam Qaasim Axmed, kuwaasoo safarro ku tagay dalal dhowr ah oo ay lasoo galeen heshiisyo horumarineed.
Gabagabadii kulanka ayaa waxaa warbaahinta la hadlay wasiirka warfaafinta mudane Ciilmooge, isagoo xusay in goluhu ay ka dooday qodobbo dhowr ah oo ay ugu horreysay sharciga warbaahinta, taasoo falanqeyn dheer kaddib si buuxda loo meel-mariyay.
“Sida aad la socoteen, kulan ballaaran ayaan isugu yeernay qaybaha kala duwan ee warbaahinta 09-kii Febraayo, waxaana u soo bandhignay howl-wadeennada iyo madaxda warbaahinta dalka sharci lagu maareynayo war-baahinta, waxaana weydiinnay taladooda inay ku biiriyaan sharcigan, weyna ku talo-darsadeen. Bishii May bilowgeedii ayaan ka helnay wixii talo ah ee ay bixiyeen waanan ku darnay,” ayuu yiri wasiirka.
“Runtii marar badan ayaa waxaa dhacday in lagu xad-gudbo shuruucda war-baahinta, dowladduna wax tallaabo ah ma qaadin, sababtoo ah waxaan sugeynay in sharci la helo si cid kasta ay u hesho xaquuqdeeda,” ayuu mar kale yiri wasiirka warfaafita oo guul ku tilmaamay meel-marinta sharcigan.
Daafeet.Com