Madaxa ugu sareeya hay’ada Qaxootiga aduunka ee UNHCR António Guterres ayaa dalka Kenya wuxuu kulan dhinacyo badan taabanayay oo inta badan quseeya qaxootiga Soomaaliyeed ee Kenya uu la qaatay wasiirka arimaha gudaha Kenya Joseph ole Lenku.
Kulanka oo ahaa labo geesood ayaa waxay si weyn kaga doodeen xaalada qaxootiga Soomaaliyeed iyo damaca Kenya ay ka leedahay inay dib ugu celiso qaxootiga Soomaaliyeed dalkooda.
Wuxuu hoosta ka xariiqay Mas’uulkaan ugu sareeya Qaxootiga aduunka in xaalada Soomaaliya ay hagaagsan tahay,isagoona carabka ku adkeeyay in UNHCR Kenya ay kala shaqeyn doonto sidii ay ula macaamili lahayd qaxootiga Soomaaliyeed ee dalkeeda Magan galsanaya iyo sidii dalkooda dib loogu celin lahaa.
Mr Guterres ayaa u sheegay saraakiisha Kenya in la gaaray waqtigii Soomaalida ay ka soo guuri lahayd Kenya kana qeyb qaadan lahayd dib udhiska dalka Soomaaliya.
Daafeet.Com