Qoysaskii kasoo barakacay dagaalada kismaanyo oo loo qeybiyey raashin

0
85

RAASHIIN8Boqolaal ka mida qoysaska danyarta ah ee ku nool magaalada Kismayo xarunta Jubaland ayaa loo qaybshay deeq raashin ah oo ka timid dowladda dalka Cumaan.

Raashinkan oo iskugu jiray Bariis ,Sonkor ,Baasto ,Bur iyo Saliid ayaa la filayaa inay bisha Ramadaan wax ka tarto nolosha qoysaskan tabaaleysan,waxana maamulka Jubaland ay fududeyeen sidii caawinadan Kismayo u soo gaari lahayd.

Xaalad bini’aadanimo ayaa ka jirta magaalada Kismayo ka dib colaado ka dhacay dhamaadkii June,2013 oo ugu danbayntii ciidanka Jubaland ay hanteen Amniga guud ee magaalada.

Raashinkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyey oo loo qeybiyo dadka dhibaatada kasoo gaartey dagaalada ka dhacay magaalada kismaanyo.

 

Daafeet.Com