Wasiirka gaashaandhigga Cabdikariin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa sheegey in dhowaan ay qalabeyn doonaan dufcad ka mid ah ciidanka xoogga dalka oo dhowaan tababar uu ugu soo dhammaaday xerada tababarrada ciidamada ee Jasiira.
Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegay khudbo uu shalay ka jeediyay xarunta Jasiira oo mushaharaad loogu qeybinayay cutub ka mid ah ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.
Wasiirka ayaa sidoo kale ballan-qaad u sameeyay macallimiintii bixinayay tababarka ciidamada oo uu sheegay in xukuummaddu ay ka abaal marin doonto waqtiga ay ku bixiyeen tayaynta xirfadaha iyo tababarrada ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.
Dhinaca kale Taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Gen. Daahir Aadan Cilmi (Indho-qarshe), oo hadal u jeedinayay ciidamada ayaa ku boorriyay inay gutaan waajibaadka ka saaran difaaca qarannimada dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Daafeet.Com