Madaxa Hey'ada Waxbarashada Sayniska Ee Unesco Oo Dalbatey In Baaritaan Lagu Sameeyo Dilka Loo Geysto Wariyeyaasha

0
93

UNESCOMadaxa hayada waxbarashada sayniska iyo dhaqanka UNESCO u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa dalbatey in baaritaano lagu sameyo dilalkii ugu dambeeyay ee wariyaasha loogu geystay dalka Soomaaliya Ruushka iyo Mexico

Waxay dalbaday sidoo kale in cadaalada la horkeeno dadka ka dabeeya beegsiga wariyaasha Soomaaliyeed, iyada oo sheegtay in loo baahan ka shaqeynta badbaadinta saxafiga.

Dilkii Liibaan Cabdulaahi Faarax bishan 7 deedii, ayaa hayada waxay sheegtay inay cambareyneyso, waxaan ay sheegtay in dalka Soomaaliya uu kamid ah yahay dalalka lagu waxyeeleeyo wariyaasha.

Maalintii Talaadada Akhmednabi, ku xigeenkii tafaftiraha wargeys todobaadle ah oo kasoo baxa dalka Ruushka ayaa lagu togtay dalkaasi gaarigiisa dhexdiisa meel ku dhow gurigiisa oo ku yaala gobolka Dagestan ee dalka Ruushka.

Wuxuu ahaa wariyihii labaad ee sanadkaan lagu dilay dalkaasi, waxaana hayada ay cambaareysa dilalka wariyaasha, iyadoo dhanka kale ku talisay ka shaqeynta difaaca wariyaasha.

Daafeet.Com