Magalada Kambala oo ey Maxkamad uga socoto eedeysanayaal loo heysto Qaraxii 2010 July ka dhacay Kambala

0
123

courtTodobo iyo toban ruux ayay weli Maxkamad ugu socotaa dalka Uganda, kuwaasi oo lagu eedeeyay in ay ku lug lahaayeen weerar lagu eedeeyay Al Shabaab oo sadex sano ka hor 11-kii July- 2010-kii ka dhacay magaalada Kampala ee caasimada dalka Uganda.

Eedeysanayaasha oo intooda badan ah dad ajaanib ah ayaa loo heystaa argagaxisanimo, dil iyo isku day dil.

Maxkamada Racfaanka ee Bariga Africa ayaa xukuntay in 7ruux oo ka tirsan 14 eedeysane si sharci ah loogu hayo dalka Uganda.

Al Shabaab ayaa sheegtay in ay weerarkaasi ka dambeysay, waxayna xustay in ay uga soo horjeedo ciidamada Uganda ka jooga Soomaaliya.

Daafeet.Com