Dagaal ayaa xaley waxaa uu ka dhacay qeybo ka mid ah deegaanka Gobolka Hiiraan halkaasi oo ey isku fara saareen maleeshiyaad ka wada tirsan Al shabaab.
Dagaalka ayaa waxaa ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka Beer-xaano oo 25 km koofur ka xigta magaalada Beledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan, kaas oo sababay dhimashada Sadex ka mid ah maleeshiyaadkaasi halka dhaawacana uu gaarayo ilaa 7.
Warka ayaa intaasi ku daraya in saaka ay halkaasi gaareen maleeshiyaad kale oo ka tirsan Shabaab. kuwaas oo aan la ogeyn dhinaca ay taageerayaan, waxaana deegaankaasi ka taagan dhiill colaadeed iyo cabsi farabadan oo ay qabaan dadka deegaanka.
Dagaalkan ayaa la rumeysanyahay inuu salka ku hayo khilaafaadka ka dhex oogan horjoogayaasha maleeshiyaadka Shabaab. iyadoo qaar ka mid ah horjoogayaashii Shabaab ay dhuumaaleysi ku jiraan kadib markii ay dhexdooda ka dagaaleen.
Daafeet.Com