C/llaahi Wehliye Waqaa oo kamid ahaa Xildhibaanadii KMG ahaa imika qeyb ka ah naadi siyaasadeed oo ay ku midoobeen Xildhibaanadii Baarlamaankii KMG ahaa ayaa ka warbixiyay kulan Naadigooda ay ku yeesheen magaalada Muqdisho.
Waxa uu tilmaamay in wax laga xumaado ay tahay in Kibaanaha laga isticmaalo Kenya muwaadiniinta Soomaaaliyeed lagu weydiiyo magaalada Kismaayo, sida uu hadalka u dhigay, isagoona arintaasi ku eedeeyay ciidamada Kenya ee ku sugan Kismaayo oo uu sheegay in ay xoog ku heystaan magaaladaasi.
Mr. Waqaa ayaa sidoo kale dhaliilay shir ka socda magaalada Kampala oo uu ka qeyb galayo madaxweynihii hore ee dowladii KMG aheyd Shariif Sheekh Axmed, waxa uuna sheegay in loo baahan yahay dowlada in ay il gaar ah ku eegto shirkaasi iyo ujeedka laga leeyahay.
Si kastaba arintu ha ahaate ma jirto arin xaqiijineysa in ciidamada Kenya ay shacabka Kismaayo weydiiyaan sharciga laga isticmaalo dalka Kenya ee Kibaanaha.
Daafeet.Com