Afhayeenka Amisom Col Cali Adan oo shacabka somaliyeed ka codsadey iney la shaqeeyaan

0
107

cali adanAfhayeenka AMISOM, Col. Cali Aadan Xumad oo saxaafadda la hadlay ayaa shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday inay kala shaqeeyaan ciidamadoda iyo kuwa dowladda Soomaaliya sidii lagu sugi lahaa ammaanka guud ee caasimadda Soomaaliya.

Col. Xumad ayaa sheegay in Al-shabaab ay doonayaan inay dhibaatooyin u geystaan shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay in haddii aan si wadajir ah looga hortegin ay noqonayso inay ku guuleystaan hadafkooda gurracan.

Sidoo kale, afhayeenka AMISOM ayaa xusay in weerarkii shalay ciidankooda lala beegsaday uu ahaa mid ay khasaaraha ugu badan kasoo gaartay dadka rayidka ah, uuna aad uga xun yahay falalka ay kooxda nabadda diiddan ka waddo dalka Soomaaliya oo dhan.

Dhanka kale, afhayeenku wuxuu sheegay in Al-shabaab aysan marnaba ku guuleysan doonin hadafyadooda ku aaddan inay qaraxyo iyo dhibatooyin kale ka geystaan magaalada Muqdisho iyo deegaannada kale ee dalka.

Weerarkii ismiidaaminta ahaa ee shalay lala beegsaday ciidamada AMISOM ayaa noqonaya kii ugu horreeyay noociisa oo ay Al-shabaab ku weerarto gaadiidka AMISOM baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.

Daafeet.Com