Cabdi Casiis Abuu Mascad oo sheegey in Bisha Ramadaan ey Alshabab kordhin doonto weerarada

0
46

abuu muscadAfhayeenka dhanka dagaalada ee Ururka Al-Shabaab Cabdi Casiis Abuu Muscab ayaa warbaahinta u sheegay inay ka faa’iideesan doonaan qeyrka Bisha Barakeysan ee Ramadaana ayna fulin doonaan weeraro iyo qaraxyo ay la eeganayaan ciidamada Dowladda iyo ciidanka caawiya.

Wuxuu sheegay in Bishani ay tahay Bil cibaado badan sidaasi awgeedna ay kordhinayaan dagaalada ka dhan ah ciidanka kasoo horjeeda.

Afhayeenka dhanka dagaalada ee Ururka Al-Shabaab ayaa ka hadlay weerar dagaal ah oo ay ku qaadeen sida uu sheegay deegaanka Janaale ee Gobalka Shabeelaha hoose,halkaasi oo ay ku weerareen ciidanka Amisom sida uu yiri.

Dagaal kale ayuu sheegay inay ku qaadeen Deegaanka Shalaambood fariisin ciidanka Amisom iyo kuwa Dowladda ay ku leeyihiin,halkaasina ay ku dileen sida uu sheegtay labo kamid ah ciidanka Dowladda.

Daafeet.Com