Hay’ada Mooragaabeey ayaa shaley gelinkii dambe rashiin ey u qeybineyso dadka naafada ah ee ku tabaaleysan iyo dadka aan awoodin iney helaan raashin ey ku afuraan uga sameysey Magalada Baydhaba.
Hay’adan ayaa waxaa ey raashin isugu jira Timit ,Saliid, iyo Bariis u qeybisey Boqolaal qoysas ah oo ka kooban Naafada Gobolka Baay.
Dadkan Mucaawinadan la gaarsiiyey ayaa soo dhaweeyey arinta maadaama 22 sano ee lasoo dhaafey eysan jirin wax raashin u qeybiya ama ka warahaya nolosha ey ku sugan yihiin wexeyna ugu baaqeey Hey,ada Mooragaabeey in howshan ey qeybteen ey sii wadaan ilaaheyna la garab galo.
Sidoo kale hay’ada Mooragaabeey waxaa ey masjidka Jaamaca ee magalada baydhaba habeenadan lasoo dhaafey ey ka sameyneysan afurin ey afurineyso dad badan oo aan awoodin ayagoo halkaasi ugu kariyey raashin una qeybiyey.
Si kastaba arintu ha ahaatee waa markii ugu horeysey oo ey hey’ado noocan oo kale ah isku xilqaamaan in ey shacabka tabaaleysan ee ku nool gobolka baay u istaagaan sidii ey wax ugu qaban lahaayeen. bil afurintiisa ah oo ka kooban timir saliid iyo Bariis ay u qaybisey Hayada Moorogaabey dhowr boqol qofood oo ka kooban Naafada Gobolka Baay waxaana ay u ahayd naafada Baay maanta maalin ciid ah waayo waxaa ugu danbeysey qaybin rashiin tiradiisa halkaa la eg dhowr sanno ka hor.
Daafeet.Com