Madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa sheegay inaysan jirin caqabad hortaagan maamulka Jubbaland oo iminka ku horgudban.
Dowladda Soomaaliya ayuu sheegay inay jaanis siinaayaan oo ay la tashanayaan,ayna kala hadlayaan arimaha maamulka Jubbaland,si buu yiri maamulka Jubbaland uu u noqdo maamul aan laga daba hadlin oo rasmi ahaan iskutaaga.
Ergooyinkii doortay Axmed Madoobe ayuu ka codsaday inay waqti kordhin u sameeyaan si buu yiri lagu soo xulo rag aqoonyahano ah oo kamid noqdo Golaha Wasiirada maamulka Jubbaland.
Si kastaba arintu ha ahaatee hadalka kasoo yeerey Maamulka Jubaland waxaad moodaa mid ka fog runta sababtoo ah waxaa jira carqalado fara badan oo hor taagan maamulka laga sameeyey Jubaland taasoo ey ugu horeyso ayadoo aan weli la xalin dagaaladii dhawaan ka dhacay deegaanka.
Daafeet.Com