Taariiq Nololeedkii Alah u Naxariistee Marxuun Shariif Sidkey Shariif Abdullahi Oo Kooban

0
53

shariifAllaha u naxriistee Shariif Siidkey Waxa uu ku dhashey Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo Qiyaastii sanadkii 1955. Waxbarashadiisa ilaa dugsiga hooose waxa u ku soo qaatay Degmada Baardheere, Dugisiga Sare, Baydhabo, ilaa heer Jaamaca ee Lafoole, Mogadishu.

Aabahiisa, Allah u naxriisto Shariif Abdullahi waxa uu mar noqday Gudoomiyaha Degmada Baardheee, oo si xur ah loogu soo doortay deegaanka Baardheere. Aabashiisa Shariif Abdullahi waxa uu ka mid ahaa, dadkii aas aasey Tuulada Dhoobleey eek u taala agaarka Markabley, ee degmada Baardheere. Qoyska uu ka shadhey Shariif Sidkey waxa si aad ah looga yaqaanaa Deeganka Baardheere ee Gobolka Gedo. Dadkiii ay si aad isu garanaayeen ee degaanka Baardheere waxaa ka mid ah Prof. Omar Abdulkadir Abdirahmaan oo hadda ku sugan Sweden iyo Eng. Abdulbari Abdulkadir Abdirahman, oo yaraan tooda ku soo koray deegaanka Baardheere ee Gobolka Gedo.

Professor. Omarey oo hadda ku sugan Wadanka Sweden, mar uu ka faalonayey taariiskhdiisa waxa uu iisheegey in Marxuumka uu ahaa qof aad u firfircoon oo yaraantiisa ka dhexmuuqday dhalinyarada markaas ay isku da’da ayaaheen. Waxaana uu ku wanaagsanaa isdhexgalka bulshada iyo codkarnimada.

Allah U naxriisto Shariif Siidkey waxa uu ahaa shaqsi wax badan ka soo shaqeeyey wadanka Somalia gudahiisa, laguna xasuusan doono howlo badan oo kala duwan.

Marxuumka Waxa uu mar noqday Macalim wax ka dhiga Dugsiyda sarre iyo mar waxaaba uu noqday Maamulaha Dugsiga Sare ee Sheikh Abdiyow ee Degmada Baardhere. Waxa kaloo uu ka soo shaqeeyey hay’ado Samafal oo kala duwan.

Sanadadii ugu dambeysay intuusan ku biiran Dowladda Somalia waxa uu la shaqeeyey Hay’adda UNDP/Somalia oo uu ka soo shaqeeyey howlaha dhinaca horumarinta iyo dardargelinta maamulada dowladda Somaliya.

Allah u Naxristo Shariif Sidkey, waxa uu ka howlgaley gobollo badan oo ka tirsan Koonfurta Soomaaliya, sida Bay, Bakool, Gedo, Jubada hoose, Jubadda dhexe, Shabeelaha hoose, Banaadir iyo goobo kale.

Shariif Siidkey wax uu si aad ah gacan weyn ka geeystay howlahii diiwaangeinta deegaanada iyo goobaha ay dadweynaha ay isticmaalaan, sida xarumaha caafimaadka, waxbarashada, biyada etc. oo ay fulineysay Hayadda UNDP. (Settlement survey). Waxaana uu qaabilsanaa ama uu u xilsaarnaa Jubooyinka.

Runtii howlahaas diiwaan gelina waxa ay laheed muhiimad weyn dhinaca fulinta barnaamijyada horurmarinta, tirokoobka iyo qorsho u dejint Magaalooyinka, si loo xelo xog dhab ah, marka la fulinaayo howlaha horumarinta deegaanada.

Sanadadii 2004-2005 oo aheyd waqti aad u adag oo runtii an jirin wax maamulo habeysan inta, badan koonfurta Somailya , nabadgalyadana ay aad iyo aad u xumeyd, waxaa uu Marxuum Shariif Siidkey uu u soo dhabar adeygey inuu barnaamijkaas Diiwaangelinta Deegaanda oo faaiidooyin farabana u lahaa bulshada uu hirgelo kuna hirgalo si wanaagsan. Waa ay adkeeyd waqtigaas in howshaas diiwaanka la qabto, ama ay suurto gasho, hadii aysan jirin dad ama shaqaale howlahaas u jajaban islamarkaasna u qabta howlahaas si daacad ah.

Shaqaalihii uu la shaqeynaayey Shariif sidkey waqtigaas waxaa ka mid ahaa, Sahra Mohamed Nuur, oo hadda ka mid ah, Jaaliydda Digil iyo Mirifle ee Sweden, oo mar ay ka warameysey waxa ay ka taqaaney Shariiif Siidkey , wax ay sheegtay inuu Shariif Sidkey uu ahaa, shaqsi howshiisa ku ad adag, isla markaasna si toos oo aan gabasho laheyn ugu sheego madaxda uuu la shaqeeynaaayey waxa makaas uu doonaayey in la hirgeliyo ama sida uu asaga u arko oo wax loo qabankaro. Shariif Sidkey waxa uu ahaa nin waxa uu qabanaayo ka run sheega jeclaana inuu ka mira dhaliyo.

Allah u naxriisto Shariif Sidke waxa kale uu ahaa, nin aad u jeclaa horumarka bulshada Digil iyo Mirefle. Mudadii yareyd ee loo magacaabey Safiirka Koonfur Afrika, Isagoo xanuunsan ayuu waxa uu suurto geliyey in Safaaradda ay lugaheeda ku istaagto, kuna guuleystey in Safaarada ay shaqeyso.

Waxaa halkaan ugu tacsiyeyneynaa dhamaan Qoyskiisa, eheladii, iyo saaxiibadii uu ka geeriyoodey Marxuum Shariif Sidkey Sharif Abdullahi meel kasto ay jooga dalka gudihiisa iyo dibadiisaba. Waxaan Alla ugu baryeynaa inuu Janatul Fardowsa Ku abaalmariyo. AAMIIIN:

Qore: Abdulkadir Abukar Sheikh (Dhaalib), Somalli Arlaadi Relief Förening –

Email:

Somali.arlaadi@hotmail.com