Qarax lala beegsadey ciidamada maamulka Jubbaland ayaa goor dhow ka dhacay bartamaha degmada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, qaraxaas oo uu ku dhaawacmay hal askari.
Weerarkan oo ka dhashay miino waddada dhinaceeda lagu aasay ayaa waxaa lala beegsaday gaari ay wateen ciidamada sirta ee maamulka Jubaland, iyadoo halkaas uu ku burburay gaarigii ay ciidamadu wateen.
qaraxan ayaa ilaa iyo iminka jirin cid sheegatey in ey masuul ka tahay, iyadoo aysan welina ka hadlin mas’uuliyiinta maamulka Jubaland ee Kismaayo.
Daafeet.Com