Maamul goboleedka Puntland ayaa shaaciyay in la joojiyay doorashooyinka deegaanka oo lagu waday inay ka qabsoomaan deegaannada Punland maalinta berri ah.
War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweyne Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa lagu sheegay in doorashooyinka la qaban doono waqtiga ku habboon.
War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in maamulka uu hakiyay qabsoomidda doorashooyinka kaddib markii uu aqoonsaday khatar ku iman karta amniga, nabad-gelyada iyo xasilloonida deegaannada Puntland.
Maamulka Puntland ayaa sheegay inuu sii wadi doono dadaalka lagu hirgelinayo nidaamka doorashooyinka iyo axsaabta badan, wuxuuna uga mahad-celiyay shacabka Puntland iyo beesha caalamka taageerada ay u hayaan nidaamka.
Daafeet.Com