Madaxweyne Xasan Sheekh oo Maanta booqdey Isbitaal Digfeer

0
96

xasan shekhMadaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud ayaa maanta kormeeray isbitaalkii Digfeer oo ay dib u dhis weyn ku sameeysay dowladda Turkiga.

Kormeerkan ayaa waxaa madaxweynaha ku wehliyay wasiirka Gaashaandhiga,arrimaha gudaha, wasiir-u-dowlaha madaxtooyada iyo danjiraha dalka Turkiga ee Somalia.

Madaxweynaha ayaa sheegey in Turkiga ey ka dhiseen dalka somaliya isbitaalka ugu casrisan bariga Afrika wuxuuna mahad balaaran u celiyey dowlada turkiga dadaalka weyn oo ay dowlada turkiga ugu jirto sidii ey somaliya wax ugu qaban laheyd dhan kasta.

Isbitaalkan cusub ayaa qaada 200 oo sariirood iyadoo qalabka lagu rakibay ay yihiin kuwo laga keenay dalka Turkiga oo casri ah. Isbitaalka waxaa laga garab dhisayaa masaajid aad u weyn iyo machadka kalkaaliyeyaasha ay wax ku bartaan. Sidoo kale waxuu yeelanayaa qolalka gurmadka deg-dega ah oo leh 28 sariirood.

Ugu dambeyn, madaxweynuhu wuxuu shacabka ugu baaqay inay nabadda ka wada-shaqeeyaan si dalka looga hirgeliyo mashaariic casri ah oo shaqo u abuuri kara Soomaalida. Isagoo xusay in horumarka iyo nabaddu ay yihiin kuwo isku xiran.

Daafeet.Com