Shacabka degmada afgooye oo dhaliil usoo jeediyey maamulka degmada afgooye, Shacabka ayaa waxaa ey ka andacoonayaan in maamulka ka taliya deegaanka ey ka qaadaan canshuuro aad u tira badan hadana eysan jirin wax loogu qabto degmada.
Mid ka mid ah dadka degan deegaanka oo magaciisa la yiraahdo Xasan Maxamed ayaa inoo sheegey in deegaanka jidadkiisa ey baabasan yihiin Cisbitaalka keliya ee ku yaala degmadana uu yahay mid ey dayactir ugu dambeysey dagaaladii ka hor, Waxaa kaloo uu intaasi raaciyey in inta badan habeenkiina eysan jirin wax nal ah oo ka shidan isbitaalka.
Maamulka degmada wereysi aan kol dhaweyd la yeelaney waxaa ey inoo sheegeen in canshuurta kasoo gasha degmada eysan ayagaba ku filneyn ayagoo inoo xaqiijiyey in inta badan ey qaataan maamulka gobolka.
dadka degen deegaanka waxaa ey maamulka ka codsanayaan in lacagaha ey canshuur ahaan u ururiyaan maamulka ay dayactir ugu sameeyaan degmada waxyaalaha ey u baahan tahay canshuur ururin micnaheeda ma aha in lacagta jaabka lagu gurto.
Si kastaba arintu ha ahaatee deegaanka waxaa soo gala lacag aad u tira badan oo laga qaado shacabka ka ganacsada deegaanka lacagtaasoo badanaa dadka ey ku qiyaasaan in ka badan 40.000 oo dolarka mareykanka ah maalintii sidey doonaanba ha u qeybsadeena ma aha wax dani ugu jirto dadka bixiya canshuuraha wax muuqda oo lagu qabteyna ma jirto ilaa iyo intey dowlada la wareegtey gacan ku heynta degmada Afgooye..
Daafeet.Com