Warbixin ey soo saartey Qaramada Midoobey oo lagu sheegey in Ciidamada Kenya ey ku lug leeyihiin Dhoofinta Dhuxusha

0
54

KDF+pxWakaalada wararka ee Reuters ayaa daabacday warbixin muujinaysa in ciidamada Kenya ay ku lug leeyihiin dhoofinta dhuxusha ee magaalada Kismaayo.

Reuters ayaa sheegtay in warbixinta cusub ee ay qoreen guddi ka tirsan qaramada midoobay lagu cadeeyay in ciidamada Kenya oo qayb ka ah hawlgalka AMISOM ay ku joogto gudaha Soomaaliya inay masuul ka yihiin fududaynta dhoofinta dhuxusha oo si toos ah looga dhoofiyo dekadda magaalada Kismaayo.

Waxay warbixintu sheegtay in dhoofinta dhuxusha ay qayb ka tahay meelaha uu Alshabaab kasoo galo dakhliga ay ku maalgaliyaan hawlgalladooda ay ka wadaan gudaha Soomaaliya.

Guddiga ayaa warbxintooda ku muujiyay inay adkaan doonto in Alshabaab laga curyaamiyo ilaha uu kasoo galo dhaqaaluhu inta ay socoto dhoofinta dhuxusha.

Militariga dalka Kenya ayaa bilihii lasoo dhaafay si isdaba joog ah u beeninayay wararka sheegaya in ciidamadoodu ay ka qaybqaataan dhoofinta dhuxusha sharci darrada ah.

Daafeet.Com