Beeralleyda waraabka ee ku dhaqan degmada Luuq ee gobolka Gedo iyo deegaannada hoos yimaada ayaa sheegay in sanadkan ay goosteen dalag fara badan oo caafimaad qaba, kadib markii ay taageero ka heleen Qaar ka mid ah Hay,adaha Caalamiga iyo ururrada samafalka wadaniga ee ka howlgala degmadaasi.
Ururrada samafalka ee CERID oo xaruntiisu tahay degmada Luuq iyo guddiga caalamiga ah ee ICRC ayaa ilaa 40 matoor, qalabka qodaalka beeraha, shidaal iyo abuurka beeraha ugu deeqay beeralleyda Luuq, taasoo ay si wanaagsan uga faa`iideysteen, sida uu sheegay Axmed Dhegaweyne oo ka mid ah howlwadeennada CERID.
Macallin Dhaqane Aadan oo ka mid ah beeralleyda waraabka degmada Luuq ayaa raadiyaaha Wadajir u sheegay in sanadkan uu ka fiican yahay sanadahii la soo dhaafey, beeralleyduna ay goosteen dalagyo ay ka mid yihiin Basasha, Digirta, Mooska, Sisinta, Liinta iyo noocyo kale oo khudaar ah iyo in aan badneyn oo galley ah, wuxuuse intaa ku daray in guulahaas ay beeralleydu gaareen ay curyaamin karaan baahiyo ay weli qabaan.
Halkan ka dhegayso warbixinta
Beeraleyda Waraabka Degmada Luuq oo rajo wanaagsan muujiye,wadajir