Guddoomiyaha gobolka Bay ee dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdi Aadan Hoosow oo shaley gelinkii dambe Warbaahinta Wadajirradio la hadlay ayaa shaaca ka qaaday Ciidamadda Ethiopia ee ku sugan degmada Baydhabo inay wali daganyihiin fariisimihii ay ku lahaayeen degmadaasi, xili maanta ay soo baxeen warar sheegaya Ciidamadda Ethiopia inay iskaga baxeen deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Bay.
Sidoo kale ayaa Gudoomiyaha Maamulka Dowlada ee Gobolka Gedo maxamed Cabdi Kaliil ayaa sheegay in aysan waxba ka jirin warar maalmahn dambeba leysla dhaxmarayey oo sheegayey Ciidamada Ethopia ee ku sugan qeybo ka mid ah Gobolada Gedo iyo Bay in ay ka baxayaan Goboladaasi,isagoo dhinaca kalena sheegay in xilligan qorshaha ay ugu jirin in ay ciidamo u diraan Magaalada Kismaayo,waxaana uu sheegay arinka ku saabsan Kismaayo iyo waxa laga yeeli lahaa in ay u taalo Dowlada Soomaaliya,balse ayan ku haboonayn ciidamo laga abaabulo Gedo oo gaara kismaayo.
Halkan ka dhegayso
Guddoomiyaha gobolka Bay Cabdi Aadan Hoosow
Gudoomiyaha Gobolka Gedo Maxamed Cabdi Kaliil