Qaraxyo miino ah ayaa saaka aroortii lala beegsadey qaar ka mid ah baallayaasha korontada ku shaqeeya ee ku yaalla jidka sodonka ee magaalada muqdisho .
Qaraxyadan ayaa ka dhacay agagaarka isgoyska Al-baraka ee degmada Hodan, iyadoo la sheegay in miinooyinkan lagu xiray saddex baalle oo ka mid ah kuwa cadceedda qorraxda ku shaqeeya.
Goobjoogaha ayaa sheegay inay filayaan in qarxyadan ay ahaayeen kuwo lagu sii xiray baallayaasha, wuxuuna sheegay inaysan qaraxyadan geysan wax khasaare nafeed ah, cid loo qabtayna aysan jirin.
Jidka Soddonka oo ka mid ah kuwa ugu waaweyn ee Muqdisho ayaa waxaa laba bilood ka hor maamulka gobolka Banaadir uu ka hirgeliyay nalalka ku shaqeeya cad-ceedda, kuwaasoo xiliga habeenkii ah iftiimiya jidadka.
Maamulka degmada Hodan ayaan weli ka hadlin qaraxyadan, inkastoo ay ku eedeyso dowladda Soomaaliya falalka noocan oo kale ah inay ka dambeyso Al-shabaab oo dagaal kula jirta.
Daafeet.Com
fikirkega waa dhaliyarada in la isku xerra si ey isku oqadan si degmada wax logu qabto si ey ugu dayadan degmoyinka kale
Waa in dawlada iyo shacabku ay isku xidhnadan si loga hortago alshabab
Comments are closed.