Xubnaha Barlamanka Oo Maanta Diidey Meelmarinta Sharciga Gardoon

0
39

barlamanKulan ay isugu yimaadeen xubnaha baarlamaanka somaliya ayaa maanta waxaa uu ka dhacay xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho waxaana shjir gudoominaayey gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Jeylaani Nuur Iikar.

Kulanka oo ay soo xaadireen 165 Xildhibaan ayaa ajandihiisu waxa uu ahaa dhageysiga warbixin gudiga Garsoorka iyo arimaha Diinta ee Baarlamaanka ay dib u eegis iyo wax ka bedel ku sameeyeen hidise sharciyeedka Gardoon.

Dhageysiga warbixinta kadib Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa waxa ay u gudo galeen in cod loo qaado meel marinta hindise sharceeydkan ku saabsan xafiiska Gardoon oo hoos taga wasaarada Garsoorka iyo arimaha Diinta.

Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Jeylaani Nuur Iikar ayaa codeynta Xildhibaanada kadib ku dhawaaqay natiijadii kasoo baxday codeynta, isagoona tilmaamay in hindise sharciyeedkii Gardoon ee Xildhibaanada Baarlamaanka ay codka u qaadeen 49 Xildhibaan ay u codeeyeen Haa 106 Xildhibaanna ay Maya u codeeyeen halka 10 Xildhibaan ay ka aamuseen.

Daafeet.Com