Dagaal u dhexeeya ciidamada dowlada iyo ciidamada madani ah oo maanka ka dhacay duleedka degmada afgooye

0
73

Alshabaab-dagaal1Dagaal u dhexeeyay ciidammo ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo ciidammo madani ah oo sugayay amniga deegaanno u dhexeeya degmada Afgooye iyo Awdheegle ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa maanta ka dhacay halkaasi.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka hadlay dagaalkan ayaa sheegay in uu yahay mid aad looga xumaado, laguna dilay sarkaal ka tisran ciidamada dowladda Soomaaliya iyo qaar ka mid ah ciidamadii madaniga ahaa.

“Dagaalka wuxuu ka dhashay weerar ay ciidamada dowladda Soomaaliya ku qaadeen ciidammo madani ah oo iskood isku maamulay si ay burcadda uga celiyaan deegaannadooda, waxaana halkaas ku dhintay laba xidigle ka tirsan ciidamada dowladda,” ayuu yiri Xildhibaan Dalxa.

Sidoo kale, xildhibaanku wuxuu xusay in dagaalkaas uu ka dhacay tuulooyin u dhexeeya degmooyinka Afgooye iyo Awdheegle oo ay ka mid yihiin Sabiid, Baladul-amiin, Mareereey, Caanoole iyo Raqayley.

“Ciidamada madaniga ah ee la weeraray waxay ahaayeen kuwo iskood isku abaabulay, intii abaalmarin la siin lahaa ayaa weerar lagu qaaday, waana arrin aad looga xumaado,” ayuu xildhibaanku hadalkiisa ku daray.

Daafeet.Coma