Dowlada Kenya oo iska fogeysa eeddii loosoo jeediyay ciidamadooda qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa sheegtay in ciidamadeedu ay sii joogaan Soomaaliya illaa inta dalka uu ka noqonayo mid xasilloon.
“Ammaanka Kenya wuxuu ku xiran yahay kan Soomaaliya, sidaa daraadeed ciidamadeenu kama baxayaan Soomaaliya inta ay ka noqonayso dal amni uu ka jiro,” ayuu yiri Zaddock Syong’oh oo ah la-taliye dhinaca siyaasadda ah oo ka tisran wasaaradda arrimaha dibadda Kenya.
Sidoo kale, Syong’oh wuxuu sheegay in Kenya ay xoogga saarayso sidii ay u noqon lahaayeen deegaannada Jubbooyinka kuwo xasilloon, halkaasoo ahayd goobaha laga soo abaabulo weerarrada lagu soo qaado Kenya. “Tani waxay ka mid tahay qorshaha Qaran ee sugidda ammaanka Kenya,” ayuu ku yiri hadalkiisa.
Ciidamada Kenya ayaa soo galay gudaha Soomaaliya Oktoobar 2011 xilligaa oo ay sheegtay inay la dagaalamayso Al-shabaab oo ay ku eedeysay falal ka dhan ah ammaanka Kenya, inkastoo ay markii dambe ku biirreen howgalka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya.
Daafeet.Com
Kkk kenya waxey rabtaa iney juboyinka kudarsato taasna ma dhaceyso waa lagu jihaadi mooye
Comments are closed.