Wasiirka warfaafinta Cabdulahi Ciilmooge oo ugu baaqey Hay'adaha warbahinta ee ka shaqeeya dalka iney is diiwaan geliyaan

0
55

ciil moogWasiirka warfaafinta, boostada, isgaarsiinta iyo gaadiidka ee xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Ciil-mooge Xirsi oo maanta shir jaraa’iid ku qabtay Muqdisho ayaa ka dalbaday hay’adaha warbaahinta ee ka shaqeeya dalka in ay 45 cisho gudahood iska soo diiwaan geliyaan wasaaradda warfaafinta.

Ciil-mooge ayaa hoosta ka xarriiqay in lagu guuleystay qorshihii ku aaddanaa meel marinta sharciga saxaafadda ee Soomaalida, dhowaanna la hor dhigi doono guddiga saxaafadda ee baarlamaanka Soomaalida, si ay uga doodaan.

Wasiirka wuxuu sheegay in sharcigan uu qeexayo dhawrista xuquuqda warbaahinta dalka iyo in suxufiga uu ilaaliyo xuquuqda ay ku leedahay warbaahintiisa, ayna mas’uuliyad ka saaran tahay ilaalinta xuquuqda dowladda iyo tan shacabka.

 

Daafeet.Com