Wasiirka gaashaandhigga dowladda federaalka Soomaaliya Mudane C/xakiin Max’uud Xaaji Fiqi oo shalay gelinkii danbe gaaray dalka Itoobiya ayaa waxa uu kulamo la qaatay madax ka tirsan dowladda Itoobiya kuwaasoo uu kala hadlay arimo ku saabsan iskaashiga labada dal.
Wasiirka gaashaandhigga oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu kulamo uu la qaatay dhigiisa dalka Itoobiya iyo taliyaha ciidamada Militariga dalkaasi, isagoona xusay in ay ka wada hadleen arimo ay ka mid yihiin iskaashaga labada dal ee dhanka ammaanka iyo ladagaalanka waxa uu ugu yeeray argagixisada.
Masuulkan ayaa sheegay in masuuliyiintii uu la kulmay ay isku afgarteen sidii loo sameyn lahaa hannaan cusub oo ay labada dal isaga kaashan doonaan dhinacyada nabadgelyada iyo la dagaalanka argagixisada.
Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay in uu la kulmi doono ra’isul wasaaraha dalka Itoobiya Haile-mariam Desigln, islamarkaana uu kala hadli doono arimo ku saabsan xiriirka labada dal.
Daafeet.Com