Wasiirka warfaafinta C/laahi Ciilmooge Xersi ayaa usheegay warbaahinta in sharciga Xeerka saxaafada oo ay Dowladda soo bandhigtay uu ku jiro qodob ahmiyad siinaya ammaanka suxufiyiinta Soomaaliyeed.
Wuxuu sheegay in Dowladda ay kol hore sameysay dhiiragelino ku aadan ammaanka Wariyeyaasha,maadaama Dowladda ay balan qaaday in kontan kun oo doolar la siinayo qofkii soo sheega qof dilay suxufi.
Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegey in ahmiyada koowaad ay ka dhigeen ilaalinta ammaanka suxufiyiinta Soomaaliyeed ayna ku daba jirnaa in Dowladda ammaanka suxufiyiinta ay daryeesho.
Si kastaba arintu ha ahaatee ma aha markii ugu horey oo ey dowlada sheegto in la ilaalinaayo sharafta iyo nafsada suxuufiyiinta somaliyeed balse ma jirto wax natiijo ah oo kasoo baxay hadalada kasoo yeera masuuliyiinta dowlada.
Daafeet.Com