Afhayeenka dhanka dagaalada ee Ururka Al-Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab oo la hadlay warbaahinta ayaa faah-faahin ka bixiyay weeraro ay ka geysteen Gobalka Jubadda hoose iyo Shabeelaha hoose.
Wuxuu sheegay in 9-kamid ah weerarkaasi ay ka geysteen Gobalka Jubadda hoose,gaar ahaan Deegaanka Qooqaani iyo Magaalada Kismaayo.
Wuxuu sheegay in weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee ay ugeesteen ciidanka Kenya inuu ka dhacay deegaanka Qooqaani Axadii aan soo dhaafnay,halkaasina ay kaga dileen ciidanka Kenya askar gaaraysa ilaa 8-askari,halka uu sheegay in 17-askari ay ku dhaawaceen weerarkaasi gaarina ay ku gubeen sida uu sheegay.
Dagaal kale ayuu sheegay inay ku qaadeen Jaamacada Magaalada Kismaayo,halkaasi oo ay dagan yihiin ciidanka Sera Leon oo ay ku dileen labo kamid ah ciidankaasi,halka qaar kalena ay dhaawaceen.
Afhayeenka dhanka dagaalada ee Ururka Al-Shabaab oo hadalka sii wata ayaa sheegay in shalay qarax miino inay ugeysteen ciidanka Kenya ee Kismaayo ku sugan, halkaasina ciidanka Kenya uu khasaaro kasoo gaaray.
Daafeet.Com