Madaxweyne ku xigeenka maamulka Raskambooni oo sheegey dadka dhaca geysta ineysan eheyn ciidankooda

0
93

General-FartaagMadaxweyne ku xigeenka Maamulka Axmed Madoobe ayaa sheegay in raga dhaca ka geesta Magaalada Kismaayo aysan aheyn ciidan ka tirsan maamulka Magaalada ka jira.

Fartaag ayaa sheegay inay jiraan rag ku qaraabta shaatiga maamulkooda oo dadka ku dhibaateeya dhacna ka geysta Magaalada,laakiin ragaasi maamulka uu ka qaadi doono tallaabo adag.

Saraakiisha ciidanka Magaalada Kismaayo ee hoostaga Axmed Madoobe ayuu sheegay in la siiyay amar ku aadan inay gacanta si adag ugu qabtaan raga dhaca ka geysanaya Magaalada ee dareeska ciidanka ku qaraabanaya.

C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa digniin ujeediyay raga shacabka ku dhaca dareeska ciidanka maamulka Magaalada Kismaayo,isaga oo uga digay inay ka waantoobaan falalka caynkaasi ah.

Daafeet,Com