Guddiga kormeerka QM u qaabilsan cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya iyo Eritrea ayaa waxaa ay soo saareen warbixin sanadeedka ku saabsan waxaana ay warbixintooda ku qoreen eedeymo la xiriira madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Warbixin ay soo saareen gudiga ayaa lagu sheegay in lacago badan oo laga soo qaaday dowladda Qatar loo adeegsaday doorashadii ka dhacday magaalada Muqdisho, si loo doorto Xasan Sheekh oo haatan ah madaxweynaha Soomaaliya.
Eng. C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow oo ah Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in warbixintan ay qatar ku tahay waxqabadka iyo shaqada ay haatan hayso dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Mr. Yariisow ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay baareyso arintaan isla markaana ay ka bixinayso jawaab rasmi ah.
Si kastaba arintu ha ahaatee gudigan ayaa mar walba waxaa uu isku mashquuliyaa in uu eedeymo usoo helo dowlad kastoo looga dhawaaqo dalka ayagoo aan weligoodba ka hadlin halka ey marto lacagaha gargaarka biniaadanimo loo siiyo somaliya oo kor u dhaaftey bilyanis dollarka mareykanka ah hadana ey weli jirto abaarihii iyo baahidii dadka heysey.
Daafeet.Com