Hay'ada MSF oo xaqiijisey in la sii daayey labo qof oo ka tirsanaa shaqaalaheeda

0
41

msf-logoHay’adda Dhaqaatiirta aan Xudduudda lahayn ee MSF ayaa maanta xaqiijisay in la sii daayay labo qof oo ka tirsan shaqaalaheeda oo dalka Kenya laga afduubay labo sano ka hor.

War-saxaafadeed ka soo baxay hay’adda ayaa lagu sheegay in Montserrat Serra iyo Blanca Thiebaut oo ah shaqaalaha afduubka lagu haystay ay nabad qabaan, lana rajeynayo inay sida ugu dhaqsiyaha badan ugu biiraan eheladooda.

MSF ma aanay faahfaahinin sida lagu sii daayay shaqaalaheeda, waxayse cambaareysay weerarkii lagu qaaday samafaleyaasha oo ku dedaalayay inay adeegyo caafimaad oo naf lagu badbaadinayo siiyaan qaxootiga ku nool xeryaha Dhadhaab.

Hay’addu waxay u mahadcelisay dhammaan dadkii ka qeyb qaatay in si bad-qab ah lagu sii daayo shaqaalaheeda.

 
Daafeet.Com