Wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa faahfaahin ka bixisay markii ugu horreysay ka bixitaanka ciidamadeedii ku sugnaa magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, iyadoo ku hanjabtay inay sii wadayso dagaalanka ay kula jirto Xarakada Al-shabaab.
Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya Dina Mufti ayaa u sheegay wariyeyaasha in qorshaha ay kaga baxeen Baydhabo uu ahaa mid horay u degsenaa, balse ay ka go’an tahay inay dagaalka sii wadaan ayna ku wareejiyaan Baydhabo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.
Toddobaadkan ayay ciidamada Itoobiya si dhameystiran uga baxeen xarunta gobolka Bay ee Baydhabo oo ay ku wareejiyeen ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, iyadoo qorshahoodu yahay inay ka baxaan guud ahaan gobolka Bay.
Hadalka xukumadda Itoobiya ayaa kusoo beegmaya iyadoo wafdi ka socday dowladda Somalia oo uu horkacayo wasiirka arrimaha dibadda ay ku sugan yihiin Addis Ababa.
Daafeet.Com