Gudoomiyaha Gudiga gaadiidka barlamanka soomaaliya Xildhibaan Cismaan aadan Dhuuboow ayaa waxa uu sheegay in dhaqaalaha laga qaado gaadiidka aysan waxba kala socon iyo sidoo kale sharuucda gaadiidka oo labadaba uu sheegay in aysan nidaamsaneen.
Mr Dhuuboow ayaa waxa uu sheegay in si loola xisaabtamo Waaxda gaadiidka oo hoostagta Wasaaradda Warfaafinta loo baahan yahay inay usoo gudbiso barlamanka hindiso sharciyeedkeeda.
Xildhibaan Cismaan Aadan Dhuuboow ayaa waxa uu sheegay in gaadiidka lagu fuliyo Qaraxyada ay sabab u tahay, iyadoo sharciga gaadiidka uusan nidaamsaneen taasna loo baahan yahay in dib u eegis lagu sameeyo.
Halkan Hoose Ka Dhegeysta
Daafeet.Com