War kasoo baxay gudiga sare ee Xuquuqda aadanaha Qaramada Midoobay ee magacooda loosoo gaabiyo “OHCHR” in dowlada Soomaaliya ay ansixisey dhawaan sharciyo cabad ku noqonaya xoriyatul qowlka, waxaana gudiga ay dowlada ka dalbadeen in dib u eegis lagu sameeyo qodobadii dhawaan ay ansixiyeen golaha wasiirada Soomaaliya.
Qodobada ay gudiga soo hadal qaadeen waxaa ka mid ahaa xadidnaan ay sheegeen in lagu xadiday ilaha wararka ay ka helayaan saxafiyiinta iyo sidoo kale inaan la baahin karin waxyaabaha ka hor imaanaya dhaqanka Soomaalida.
Waxaan ka dalbaneynaa masuuliinta Soomaaliya inay dib u eegis ku sameeyaan qodobada si loo xaqiijiyo si waafaqsan xeerarka xuquuqda aadanaha ee caalamiga iyo xoriyada hadalka” ayuu uiri afhayen u hadlay gudiga Rupert Colville, oo saxaafiyiinta kula hadlay magaalada Geneva.
Sidoo kale, afhayeenku wuxuu sheegay in sharcigan looga dalbanayo inay soo gudbiyaan wariyeyaasha ilaha ay wararka kasoo xigteen, haddii uu ka yimaado wax muran ah, sidoo kalena shaqooyinka laga xayirayo wariyaha iyo hay’adda uu u shaqeeyo inta ay baaritaannadu socdaan.
Dhanka kale, afhayeenka OHCHR wuxuu sheegay inay ka walaacsan yihiin arrinta ku saabsan sameynta Golaha Saxafiyiinta Qaranka, kaasoo loo baahan yahay in xubnihiisu ay noqdaan kuwo lagu kalsoon yahay isla markaana ah kuwo madax-bannaan.
Daafeet.Com