Kooxo hubaysan ayaa xalay duleedka Magaalada Muqdisho ku dilay Dr Cusmaan C/raxmaan Fiqi oo kamid ahaa dhaqaatiirta Isbitaalka Al-Hayat ee duleedka Magaalada Muqdisho ku yaala.
Mid kamid ah dadkii la socday dhaqtarka ayaa sheegay in kooxaha dilka geestay ay soo weerareen wax yar un kadib markii ay kasoo baxeen Masaajidka ayna kala carareen balse durba dhaqtarka halkaasi lagu toogtay.
Raga falka dilka ah geestay ayaa waxaa tiro ahaan lagu sheegay inay gaarayaan ilaa dhowr ruux,kuwaasi oo watay baskoolado goobta dilka ay ka geysteen ay ka baxsadeen.
Allaha unaxariistee dhaqtarka ayaa wuxuu ka shaqeynaye isbitaalo kala duwan oo ku yaala Magaalada Muqdisho waxaana uu kamid ahaa dadka waxgalka u ah Bulshada Soomaaliyeed.
Si kastaba arintu ha ahaatee amaanka magaalada muqdisho ayaa beryahan dambe waxaa uu noqonayaa mid sii xumaanaya ayagoo ay soo badanayaan dilalka qorsheysan ee dadka lagu ugaarsanaayo taasi oo micnaheeda tahay in dowlada aysan awood buuxada u heynin sidii ey ku sugi laheyd amaanka.
Daafeet.Com