Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo oo ay ka socoto dhismaha Garoon diyaaradeed

0
51

garoon d

 

 

 

 

 

 

Howshani la xariirta dhismaha Garoonka diyaaradaha cusub ee degmada Ceelwaaq oo in mudo ahba dhismahiisu ay ka socotey degmadaasi ayaa waxaa uu ku yaala dhul siman oo  qiyaastii ilaa 2 km u jirta degmada Ceelwaaq,kagana toosan dhanka waqooyi,halkaasi oo ay ka socoto  shaqo balaaran oo lagu diyaarinayo Garoonkaasi diyaaradeed oo sida la sheegay  ay ka soo degi karaan Diyaaradaha waaweyn ee Qaada Xamuulka iyo kuwa kale.inkastoo Garoonkani uu yahay kii ugu horeeyey ee Deegaanka laga hergeliyo.

Garoonkani cusub ee haatan laga sameynayo Ceelwaaq oo hadda maraya wejigii labaad ayaa dhismahiisa waxaa iska kaashanaya maaulka degmada Ceelwaaq oo kaashanaya Dadweynaha ku dhaqan degmadaasi  iyo Hay,ada WFP ,kuwaasi oo ujeedadoodu ay tahay sidii Degmada  looga hergelin lahaa Garoon diyaaradeed oo loo isticmaalo howlaha samafalka iyo adeegyada kale gedisan ee Bulshada sida Ganacsiga iyo Safarada kale gedisan,maadama wadooyinka soo gala Gobolku dhamaan ay yihiin kuwa bur bursan iyo kuwa kale oo ku xirmay Colaadaha.

Halkan ka dhegayso

Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo oo ay ka socoto dhismaha Garoon diyaaradeed oo ay Isticmaali karaan Diyaaradaha ,wadajir