Koox hubeysan ayaa xalay magaalada Beledweyne ku diley guddoomiye ku-xigeenkii labaad ee maxkamadda Baladweyne Macallin Xasan Cilmi Ciyow.
Taliyaha qaybta booliska ee gobolka Hiiraan Isaaq Cali Cabdulle ayaa sheegay in koox bastoolado ku hubeysan ay rasaas ku furtay mas’uulka xilli uu ka soo baxay masjid magaalada ku yaalla oo uu salaadda cishaha ku tukaday.
Kooxda weerarka gaysatay ayaa durba goobta ka baxsatay, iyadoo guddoomiyahana dhaawac soo gaaray loo geeyay isbitaalka weyn ee Beledweyne, halkaas oo uu ku geeriyooday.
Dilalka loo geysano dadka masaajidada kasoo baxa ayaa habeenadan dambe ku badanaya magalada muqdisho taasoo sheegeysa in dadka dilalkan geysana eysan eheyn dad aan garaneynin qiimaha uu ku fadhiyo in naf biniaadan ah si micno daro ah lagu dilo, Iskaba daa weliba asagoo masaajidka kasoo baxay.
Daafeet.Com