Madaxweynaha dowlada federalka oo la hadley Saraakiisha dowlada

0
42

xasanadaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh oo la hadlayay saraakii iyo ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in sarkaalkii aan awood u lahayd inuu askariga uu xukumo uu ka celiyo isbaarada ay u furan tahay inuu shaqada isaga tago.

Xasan Sheekh oo shalay kula hadlayay Muqdihso saraakiil iyo ciidammo ka tirsan milateriga Soomaaliya ayaa sheegay in kalsoonida shacabka lagu heli karo oo keliya in ciidamadu ay la yimaadaan asluub wanaag iyo inaysan dhib u geysan shacabka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale hadalkiisa ku daray in sarkaalka uu sharaf iyo karaamo ku heli karo inuu shaqada isaga tago, haddii uusan askariga uu xukumo dambiga ka celin karin, sarkaalkaasna uu noqonayo mid aan dambi lahayn.

Dhanka kale, madaxweynuhu wuxuu ka hadlay sida kalsoonida shacabka lagu kasban karo, isagoo xusay in arrintaas ay ku imaan karto shacabka oo dhibaatada laga dhowro.

Madaxweynaha ayaa intaas raaciyey in shacabka Soomaaliyeed aysan waxba u qaban karin karaamadoodana aysan soo celin haddii aan la dhowrin iyaga.

 

 

Daafeet.Com