Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Dessalegn ayaa sheegay in dowladdiisu ay gacan ka geysnayso sidii dib loogu soo celin lahaa ammaanka iyo deggenaashaha Soomaaliya, kaddib kulan uu Addis Ababa kula yeeshay wasirka gaashaandhigga Soomaaliya, C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi.
Reysulwasaraha dalka itoobiya ayaa maalintii jimcaha kula kula qaatey magalada Adis Ababa wasiirga gaashaandhiga ee dalka somaliya, waxaana labada mas’uul ay ka doodeen sidii Itoobiya ay gacan uga geysan lahayd howlaha dib loogu soo celinayo nabadda Soomaaliya.
Dessalegn wuxuu hadalkiisa ku daray in dowladdiisu ay diyaar u tahay inay ka caawiso Soomaaliya dhinaca tababarka ciidamada iyo xoojintooda si ay awood ugu yeeshaan inay iska difaacaan Al-shabaab oo weli deegaanno ka tirsan Soomaaliya ka talisa.
Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, C/xakiin Fiqi oo isaguna warbaahinta la hadlay kulanka kaddib ayaa sheegay in waxyaabaha ay kawada hadleen isaga iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya ay ka mid yihiin sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.
Warsiirka ayaa intaasi wuxuu ku darey inay kulankooda uga hadleen xoojinta xiriirka ganacsi ee u dhexeeya labada dalka, sida horumarinta beeraha iyo kuwo kale.
Daafeet.Com